GALMUDUG oo u si xoogan uga jawaabtay Maamulka C/W Gaas

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ka jawaabay eedeyn dhanka amaanka ah oo kasoo yeertay maamulka Puntland.

Xersi Yuusuf Barre, duqa degmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa ka hadlay eedeynta maamulka Puntland oo ah in dilalka ka dhaca waqooyiga Gaalkacyo laga abaabulo koofurta Gaalkacyo.

Xersi, wuxuu sheegay in hadalka kasoo yeeray maamulka Puntland ee lagu eedeynayo Galmudug uu yahay mid aah laga fiirsan oo ay iska sheegeen dad aan xaqiiqsan amaanka Koofur Gaalkacyo.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in maamulka Puntland uu ku fashilmay sugitaanka amaanka magaalada dhinaca ay ka maamulaan oo ay marmarsiiyo ka dhiganayaan eedeynta.

Xirsi ayaa ugu dambeyntii sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay in Puntland ay ka gacan siiyan sugitaanka Amaanka maadama uu shegay in ciidamadooda ay ku fashilmeen Amaanka deeganooda.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com