Kulankii saraakiisha Mareykanka & Axmed Madobe oo fashilmay

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbland, ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin uu Hoggaaminaayo Madaxweynaha maamulkaasi kulan uu albaabada u xirnaa la qaaten Saraakiisha ugu sareysa ee Dowlada Mareykanka ka jooga Garoonka magaalada Kismaayo.

Mas’uuliyiintaani uu Hoggaaminaayay Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay dacwad ka ahaayen Saraakiisha Hogaamisa Ciidamada ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM islamarkaana ka howlgala Dekadda Kismaayo.

Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiinta la socday ayaa Saraakiisha Mareykanka ka jooga Dekadda Kismaayo u sheegay in ciidamada ethiopia ay diidan yihiin inay soo wareejiyaan ciidamada ka amarqaadan jiray Col. Barre Hiiraale.

Madoobe waxa uu sidoo kale, Saraakiisha Mareykanka u sheegay in dhowr codsi ay u gudbiyeen Saraakiisha hogaamisa ciidamada ethiopia, balse ay ka biya diideen inay wareejiyaan.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa horay Ciidamada Ethiopia uga codsaday in Ciidamadaasi Soomaaliyeed maamulkooda lagu soo wareejiyo balse waxa arrintaas si cad ugu gacanseeray Ethiopian-ka.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirkiisa Amniga Jubbland, ayaa waxaa la soo warinayaa inuu kusoo dhamaaday Fashil, kadib markii Saraakiisha Mareykanka sheegen in Ciidamada Col. Barre Hiiraale ay sii heyn doonaan kuwa ethiopia.

Dhanka kale, Ciidamada Shisheeye ee ka howlgala Somalia haba ugu horeeyaan kuwa ethiopian-ka ayaa isticmaala awoodo ka baxsan mida uu u saamaxayo Sharciga Nabad ilaalineed ee loo siiyay Howlgalkooda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com