Sawirro: Guryo laga soo saaray meydad loo ekeysiiyay dad nool

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Maleysia ayaa aad u hadal heysa Meydad laga soo saaray guryo halkaasi ku yaalla kadib markii qoyska dadkaasi ay ka geeriyooden diiden in banaanka looga soo saaro meydadka dadkooda.

Dhacdadaani ayaa ka dhacday Jasiiradda Sulawesi oo hoos timaada dalka Maleysia, waxaana halkaasi laga soo saaray ilaa Seddex meyd oo la diiday in la aaso iyadoo aan la ogeyn sababta meydka loogu heysto guriga.

Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa mid kamid ah qoysaska lahaa meydka guriga u galay islamarkaana awood uga soo saaray si looga fogeeyo urkiisa waxaana meydka halkaasi laga soo saaray isagoo loo ekeysiiyay sida qof nool.

Qabaa’ilada qaar ayaa la sheegayaa inay rumeysan yihiin in Meydka lagu heysan karo guriga islamarkaana uusan waxba dhib ah ka dhalankarin.
Meyd1

Meyd2