Xog: CC iyo jawaari oo u carreysan Xasan iyo xubnihii Somaliland oo la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in muran ka dhashay xubnaha ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee loo magaaabay Guddiga Doorashada heer Federaal 2016 oo la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu iskiisa magacaabay.

Xubnahaan ayaa ku soo baxay xeer Madaxweyne iyadoo laga soo hormariyay shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga furmi doona Isniinta Magaalada Baydhaba, waxayna wararku sheegayaan in Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka aan la socon arrintan.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa xubno kooban ku leh Guddiga lag soo xulay Beelaha Somaliland, waxaana inta badan ay ku yimaadeen rabitaanka Madaxweynaha Xasan Sheekh, iyadoo ay arrintaasi ka gows qabsadeen Cumar C/rashiid iyo Prof. Jawaari.

Madaxweynaha oo hore ula wareegay awoodii Baarlamaanka isagoo taageero ka heysta madaxda maamul goboleedyada ayaanay jirin qaab xilligan looga hor imaan karo, waxayna arriman oo dhami ahaayeen kuwo hore loo diyaariyay oo lagu soo beegay xilli ay dalka ka maqan yihiin Madaxweynaha. Ra’iisal Wasaaraha iyo ku xigeenka Ra’iisal wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com