Laba aqbali karo: Xildhibaano ka digay tallaabada DF ku diiday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo kamid ah Baarlamaanka Somalia, ayaa aad u dhaliilay qaabka ay Dowlada Somalia ula dhaqmeyso Axsaabta Siyaasada ee dalka ka jira waxa uuna sheegay in Axsaabta aysan ka maarmin Dowlada, Dowladuna aysan ka maarmin Axsaabta.

Xildhibaan Shariif, waxa uu sheegay in Axsaabta ay laf-dhabar u yihiin Dowlada sidaa aawgeedna Dowlada looga baahan yahay inay xiriir la sameyso Axsaabta si loo ciribtiro waxa loogu yeero nidaamka 4.5 ee jahwareerka galshay Soomaalida.

Xildhibaan Shariif ayaa hadalkaani sheegay xili uu u waramaayay Idaacada goobjoog ee magaalada Muqdisho, waxa uuna ka digay in Dowladu ay dhagaha ka fureysato Axsaabta.

“Dowlada Federaalka kama maaranto Axsaabta haddii ay is kaashadaan waxaa la gaarayaa heer laga tanaasulo waxa loogu yeero 4.5, taasina waxa ay horumarineysaa nidaamka Dowladnimo ee Somalia ka jira”

“Haddii ay dhacdo wada shaqeyn dhanka Axsaabta waxaa laga gudbi doonaa qoriga waxaana wax waliba lagu gaari karaa qalinka iyo in laga talaabsado isfahan la’aanta iminka taagan”

Xildhibaan Shariif, ayaa Dowlada Somalia ku booriyay inay tijaabiso nidaamka Axsaabta ee iminka kusoo kordhay Siyaasada Somalia.

Haddalka Xildhibaan Shariif ayaa imaanaya xili dalka ay kusii kordhayaan Axsaabta Siyaasadeed oo cid waliba ay ku dhawaaqday mid iyaga u gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com