Xog: Xasan oo hor-taagan qodobo la rabo in laga bedelo dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo kamid ah BFS ayaa si qoto dheer uga hadlay waxkabedelka qodobada Dastuurka waxa uuna sheegay in si waliba oo wax looga bedelo loo baahan yahay inuu ogolaado Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Cabdullahi, waxa uu sheegay in dalka uu ku jiro xili koboc Siyaasadeed waxa uuna sheegay in kobocaasi uu yahay mid ay wado Dowlada iyo caalamka.

Xildhibaan Cabdullahi, waxa uu sheegay in qodobada dhawaan wax laga bedelay ee ku jira Dastuurka loo baahan yahay in Madaxweynaha dalka uu si cad u ogolaado ka hor inta aan Dowladiisu dhicin.
Waxa uu sheegay in labada qodob ee wax laga bedelay ay yihiin kuwo mudan in la dul istaago, maadaama la qaatay qaraarkii munaasabka ahaa.

“Dastuurka wax laga gudbay maaha ee waxaan sheegayaa in KMG-nimadiisa ay sii socon doonto, waa mid meesha ku jirta in leysla arko waxa laga bedelaayo iyo waxa lagu soo biirinaayo, waayo anigu waxaan ku jiraa guddiga dastuurka”.

Waxa uu sheegay in Beesha Caalamka aanu ka hadli karin qodobada laga bedelay Dastuurka, waxa uuna tilmaamay in qodobadaani lagu qeexaayo baahida Bulshada Soomaaliyeed, balse uusan arrinku aheyn mid lagu raali galinaayo dhinacyo gaar ah.

Geesta kale, Xildhibaan Cabdullahi, ayaa ku celcelshay in howshaani uu kala furdaaminkaro Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uuna cod dheer ku sheegay in Xassan looga fadhiyo inuu ogolaado waxkabedelka si loo faafiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com