Wax ka ogow qorshaha qarsoon ee safarka Jawaari ee Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulan aan caadi aheyn la qaadanaayay maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaasi iyo Saraakiisha Ciidamada ethiopia ka jooga halkaasi.

Safarka Jawaari ee magaalada Baydhabo ayaa salka ku haya laba qodob oo kala ah in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan uu kala hadlo in Xildhibaanada cusub ee imaan doono uu kalsooni uga raadiyo Madxaweynaha dalka Xassan Sheekh iyo inuu goobjoog ka ahaado qaabka loo diyaarinaayo Madasha uu ka qabsoomi doono shirka la filaayo in 20-22 bishaan xubnaha Madasha uga furmi doona magaalada Baydhabo.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalka Jawaari ayaa la sheegay inuu yahay in Xildhibaanada ka imaan doona dhanka Koonfur Galbeed ay taageero siiyaan Xassan Sheekh inuu la socdo amaanka madasha shirka, waxaana labadaasi qodob barbar socda kulamo uu la qaadan doono Odayaasha ku lugyeelan doona xulista Xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed.

Jawaari ayaa xooga saaraya sida uu mar kale kusoo laaban lahaa Madaxweyne Xassan Sheekh inkastoo dadka ku xeel-dheer arrimaha Siyaasada ay qabaan in Xassan uusan dib usoo laaban doonin.

Dhanka kale, Jawaari ayaa loo badinayaa in qudhiisa uu mar kale soo laaban doono, waxaana jira ballanqaadyo uu u sameeyay Xassan Sheekh si uu ulaba jibaaro dadaalkiisa ku aadan soo laabashada Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com