Xog: Imisa Xubnood ayuu Xasan ku leeyahay gudiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaciyay gudiga doorashada sanadkaan oo ay kasoo muuqdeen xubno badan oo qaarkood laga soo xulay maamul goboleedyada dalka.

Ku dhawaad 5 wasiir oo ka tirsan xukuumada haatan dhisan ayaa kasoo muuqday xubnaha gudiga doorashada sanadkaan, waxaana wasiiradaasi ay si dhow saaxiibo ula yihiin madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Xubnaha gudiga doorashada oo saaxiibo la ah Xasan Sheikh Maxamuud ayaa haddana waxay yihiin kuwo ay isku xisbi yihiin, waxaana dad badan shaki uu galay markii gudiga ay ku arkeen xubno uu kamid yahay C/raxmaan Odowaa.

Shanta wasiir marka laga yimaado Xasan Sheikh ayaa ku tashanaya xubnaha laga soo xulay Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Galmudug iyo Koour Galbeed oo isku siyaasad ay yihiin.

Wuxuu ka shaqeynayaa sidii uu markale kusoo laaban lahaa, sida ay aamisan yihiin siyaasiyiin badan oo hanweyn ka lahaa doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com