Xasan oo asbuucan arrin xasaasi weydiisanaya beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in gudaha Asbuucaani la kulmi doono xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia si uu ugala hadlo arrimaha doorashooyinka ka hor inta aan Magaalada Baydhaba ka furmin shirka Madasha.

Ilo ku dhow dhow Madaxweyne Xassan ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu xubnaha Beesha Caalamka weydiisan doono in mudada ka harsan doorashada loogu biiriyo 3 bil oo dheeri ah si uu u helo fursad uu ku diyaarin karo doorasho ka duwan tii horay uga dhacday Somalia.

Ilo wareedka ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu dhowr jeer codsigaasi u jeediyay Beesha Caalamka balse iminka uu doonaayo inuu horfadhiisto si uu uga helo kalsooni u suuragalinkarta wakhti kororsi muddo Seddex bil ah.

Madaxweyne Xassan ayaa dhaliilsan in mudada uga harsan doorashada uu ku qabankaro mid ku saleysan cadaalada, waxa uuna iminka ku dhiiranayaa in Beesha Caalamka uu ka dalbado wakhti kororsi.

Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer Xassan Sheekh uga digtay inuu ku dhaqaaqo wakhti kororsi, waxaana iminka suuragal ah in kalsooni uu ka waayo wakiilada Caalamka ka jooga Somalia.

Ma cadda wajiga uu Xassan Sheekh kala kulmi doono Beesha Caalamka, inkastoo loo badinaayo inaanu heli doonin wax kalsooni ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com