Xog: Dib u dhac ku yimid shirka madasha ee magaalada Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dib u dhac uu ku imaaday shirka la filaayo in maalinta Isniinta 20.6.2016 ka furmo magaalada Baydhabo.

Shirkaani ayaa la sheegayaa in dib loo dhigay kadib markii aan wax laga qaban xarunta uu ka furmi lahaa shirka.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirka uu dhici doono bishan June 22-24, 2016 iyadoo si wayn loogu falanqeyn doono arrintan Khilaafka keenay.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in shirka uu furmi doono 25/06/2016.

Mas’uul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, ayaa sheegay in shirka uu dib u dhacay kadib markii leysku qabsaday cida lagu wareejin lahaa amniga madasha uu shirka ka furmi lahaa.

DFS kama aysan hadlin dib u dhaca, balse waxaa jira warar hoose oo sheegaya in madaxda DF ay isla garteen inaan laga hadlin dib u dhaca.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee u sababta ah dib u dhaca shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com