Xildhibaannada BF oo la la’yahay iyo xarunta baarlaamanka oo…

Muqdisho (Caasimada Online) -W ararka naga soo gaaraya Xarunta Baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in kulamada Baarlamaanka uu halis ugu jiro inuu u baaqdo tirro yari dhanka Xildhibaanada.

Wararku waxa ay sheegayaan in badi Xildhibaanada BF ay u kala socdaalen Gobolada dalka si ay mar kale uga mid noqdaan Baarlamaanka cusub ee imaan doona.

Xildhibaanada ugu badan ayaa u socdaalay deegaanada maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxa ayna qalqaalo adag ugu jiraan sida ay Baarlamanaka imaan doona ugu matali lahaayen beelaha ay kasoo jeedan.

Guddoonka sare ee BFS ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay yihiin kuwo aan ilaalin wakhtigooda islamarkaana ay ku yaraatay ahmiyadii ay siin jireen Baarlamaanka hadda shaqeeya.

Guddoonka ayaa qeyla dhaan saa’id ah ka keenay maqnaanshiyaha badan ee Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa isugu jira kuwo heysta ballanqaad iyo kuwo aan heysan balanqaadkii ay kusoo noqon lahaayen, inkastoo qaarkood ay u hanqal taagayaan inay noqdaan wasiirada cusub ee imaan doona.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa suuragal ah in la waayo tirada yar ee Xildhibaanada iminka xaadirta fadhiyada uu Baarlamaanka leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com