Qarax ay ku waxyeelooben Askar badan oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu weeraray ciidamo ka tirsanaa Booliska Dowlada.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 5 ruux oo 3 kamid ah ay ahaayen Askar ka tirsanaa Booliska.

Askarta weerarka lagu qaaday ayaa xiligaasi ku sugnaa agagaarka Suuqa Cabdala Shideeyaha, gaar ahaan halka lagu iibiyo Kaluunka.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday Bam gacmeed, waxaana Qaraxa kadib halkaasi ka baxsaday ragii weerarkaasi fuliyay.

Xaalada goobta ay wax ka dhaceen ayaa ah mid caadi ah, iyadoo dadkii ganacsatada ahaa durba ay si caadi ah halkaasi ugu ganacsanayaan.

Maamulka Degmada Howlwadaag ayaan wali ka hadal Qaraxa iyo haddii ay jiraan xog ku aadan ragga Bamka tuuray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com