Faysal Cali Waraabe oo dalbaday in loo gacan geliyo Gen. Morgan

Hargeysa (Caasimada online) – Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan siyaasada Soomaaliya, xasuuqii Gaashaamo iyo arimo kale.

Ugu horeyn gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa ka hadlay xasuuqii ciidamada Ethiopia ay ka geysteen deegaanka Gaashaamo oo dad badan lagu dilay, isagoo sheegay in Ethiopia looga baahan yahay iney arimahaasi wax ka qabataa.

Wuxuu sheegay in ciidamada Federaalka Ethiopia ineysan ka dambeyn dhibaatadi dhacday balse ay ka dambeeyaan ciidamada ismaamulka Soomaalida oo uu sheegay iney doonayaan iney dhibaato ka huriyaan dhanka xuduuda.

Dhinaca kale Wuxuu ka hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya, isagoo sheegay in Somaliland marnaba aysan kamid aheyn doorashooyinka dhacaya sanadkaan kuwaasi oo uu sheegay iney dowlada Xasan Sheikh Iska abaabulatay.

Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa ka dalbaday iney ka shaqeeyaan sidii loosoo gacan gelin lahaa Generaal Morgan oo ku sugan dhulka Puntland, isagoo sheegay inuu ka dambeeyay xasuqii shacab Somaliland ah loo geystay.

Wuxuu muujiyay walaaca uu kamuujinayo in general Morgan oo ku sugan Boosaaso lagu cabsiiyo shacabka Somaliland, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in xil looga dhiibo rabo Morgan maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com