Xog: Tarsan oo ka digay arrin laga damacsan yahay odayaasha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo saxaafada la hadlay ayaa wuxuu digniin u jeediyay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee la doonayo iney soo xulaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu digniinta uu u jeediyay odayaasha dhaqanka uu ku sheegay iney ugu weyn tahay inaan la musuq maasuqin xubnaha baarlamaanka oo xildhibaanada cusub aan lagu soo darin shaqsiyaad aan mataleynin mabda’a beesha uu kasoo jeedo.

“Waxaan uga digeynaa Oday dhaqameedyada in aan laga dhex ugaarsan oo laga dhex kalluumeysan beeshoodii oo laga soo xulan qof magac u yaal ah ee mabaadi iyo fikir uusan kala dhaxeyn beeshiisa laakiin qof shaqaale u ah dadkana u shaqeynaya oo dano gaar ah ka shaqeynaya aan laga soo dhex xulan” ayuu hadalkiisa ku daray Tarsan.

Dhinaca kale gudomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa wuxuu eedeeyay dowlada Xasan Sheikh Maxamuud oo uu sheegay iney muddo afar sano ah ku lumiyeen dano gaar ah.
“Waxaa faah faahin yar u baahan wadankani xaaladda uu marayo iyo meesha uu ka yimid, waxaana muuqata xukuumadda hadda jirta ama dowladda hadda jirta Afartii Sano ee xukunka haysay in aysan wax yar adeeg ah bulshada u qaban, balse ay ku mashquulsaneyd oo waqtigii ku lumisay sidii ay kusoo noqon lahayd Afar Sano oo kale”.

In Howlaha bulshada loo qaban lahaa laga mashquulo ayuu sheegay iney wadanka ku abuureyso xaalad kale oo qatar ah ayna dib ugu celin karto marxaladihii lasoo maray.

“Arrintaasi waxay abuureysaa qatar, bulshada Soomaaliyeed oo illowday dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalkii sokeeye ayeey dib u xusuusineysaa waxayna abuureysaa dagaal cusub oo bulshada dhexmara, balse bulshada iska daayee waxay abuureysaa qabiillada hoose iyo jufooyinka hoose marka la isku dayo in laga soo xusho xildhibaanka iyaga ay rabaan in jufadii qudheeda ay dagaal ka dhex dhasho oo Labo ilmo adeero ah is disho ayaa imaanaysa” ayuu yiri Tarsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com