“Waxaan cadeynayaa in Xasan uu soo magacaabay saaxiibadiisa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo un ka hor uu madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay Guddiga doorashooyinka dalka ayaa waxaa arrintaasi dhaliil ka muujiyay qaar kamid ah Xildhibaanada BFS.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil, oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in dhammaan xubnaha Guddigaasi ay yihiin kuwo ku dhisan sharci darro, islamarkaana lala baalmaray sharciga dalka.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil, waxa uu sheegay in Guddigaasi ay u badan yihiin saaxiibada Xassan Sheekh, balse uusan meel gaari doonin, haddii aan wax laga bedelin guddiga.

Xildhibaan C/raxmaan, waxa uu tilmaamay in Guddigaasi lagu soo dhisay rabitaanka Xassan Sheekh, waxa uuna intaa ku daray in Dastuurka dalka uusan qabin in dhismaha Guddiga qaab ceynkaasi ah loo maro.

”Waxaan qirayaa in guddigaasi uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn islamarkaana uu u gaaryahay Xassan Sheekh, waayo anigu ma arag guddi lagu dhisaayo rabitaan qof”

”Guddiga waxa uu u dhisan yahay Xassan Sheekh isaga ayeena u adeegayaan waana mid waxbadan ka khaldan yahay oo sharciga aan la waafajin”

“Madaxweynuhu waxa uu soo magacaabay guddi waasiirro, saaxiibbo iyo kuwo ka shaqeeya xafiiska Madaxweynaha, kuligood saaxiibadii ah kuligood uu dano ka leeyahay, waxaas oo kale lama yiraahdo doorasho xor ah ayaa la gaarayaa.”

Haddalka Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil, ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan uu Madaxweyne Xassan si ula kac ah ugu dhawaaqay gudigaasi dhinaca u badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com