DF oo ka hadashay fal laga naxo oo ay Amisom maanta ka geysatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ka hadashay shil uu geestay mid ka mid ah baabuurta AMISOM oo qof rayid ah ku jiiray maanta barqadii waddada Makaha Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdulaahi Goodax Barre, oo caawa soo saaray War qoraal ah ayaa saraakiisha AMISOM ka codsaday in dhowraan sharciga u yaalla dalka isla markaana ay baaran sidda uu dhacay shilka.

Meydka muwaadin Soomaali ah oo maanta Ciidamada AMISOM ay baabuur ku jireen Muqdisho
Meydka muwaadin Soomaali ah oo maanta Ciidamada AMISOM ay baabuur ku jireen Muqdisho

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay geerida ninka Taksiilaha ah ee ku geeriyooday shilkaas, wuxuuna sheegay in ay socdaan baaritaan.

Wasiirka waxaa kaloo ugu baaqay AMIOM in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliska iyo Dowladda si loo baaro shilka maanta dhacay.

Muwaadinka ku dhintay shilka maanta ayaa la oran jiray Salaax Nuur Maxamed waa 41-jir aabo u ahaa toddobo carruur ah kuwaasoo uu ka masruufi jiray Taksi uu wado.

Dhacdadan ayaa caawa si weyn looga hadal hayaa waxaana qof kasta uu kuu lee ciidamada Afrikaanka ee ku sugan dalka ma sameen karaan waxybaaha ay doonayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com