Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay heshiis seddax geesood ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Nairobi, kaasoo looga hadlay sida ugu haboon ee loo celin karo qoxootiga Soomaalida ee buux dhaafiyay xeryaha gobalka waqooyi bari Kenya.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo la hadashay goordhow VOA-da ayaa sheegtay in heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku jirto QM hey’adda qoxootiga u qaabilsan ee UNHCR.
Waxa ay sheegtay in heshiiskan uu soo socday muddo dheer, waxaana dalbatay ayuu yiri in qoxootiga ay dib u laabtaan dowladda Kenya.
Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay inaysan jiri doonin dad si qasab ah loo celiyo, qofkii doonaya in uu dib ugu laabto waddankiisa ayaa la celin doonaa kii kale wuu sii joogaya.
“Dadka waxaa loo kala saari doonaa qaybo qaybo, waxaa horrey u tagay xeryaha saraakiil ka socda seddaxda dhinac heshiiska gaaray kuwaasoo dadka weydiinaya bal qofka doonaya dibedda in uu sii aado iyo qofka ay wax u dhimman yihiin ma dhici doonto in si qasab ah loo celiyo” ayey tiri Fowsiyo.
Waxaa la weydiiyay doorka UNHCR, waxa ay shegtay in UNHCR iyo hey’addo kale oo ay ka mid yihiiin UNICEF iyo WFP ay noqon doonto in ay gacan ka geestaan celinta dadka faraha badan ee doonaya dalka.
Waxa ay sheegtay in horrey ay Soomaaliya u tageen ilaa 80,000 oo qof kuwaasoo ka tagay xeryaha qoxootiga dalka Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

