DF & ganacsatada Bakaaro oo kulmay, xilli qaati laga taagan yahay ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah kulan la qaadatay qaar ka mid ganacstada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka cabanayay dhac iyo tacadiyo kale oo ay u geestaan ciidamo ka tirsan dowladda.

Kulanka waxaa ka qaybgalay wasiirka amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo saraakiil kale, waxaana si weyn looga doodday siddii wax looga qaban lahaa cabashada ka soo yeereysa ganacsatada.

Wasiirka amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo goobta ka hadlay ayaa ballan qaaday in wax laga qaban doono cabashooyinka uga yimid ganacstada, isagoona intaas ku daray in tallaabo laga qaadi doono kooha caadeestay in dhacaan ganacsatada ku sugan Bakaaraha.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ka codsaday ganacatada in ay la shaqeeyaan dowladda si ammaanka looga shaqeyo.

Waa kulankii ugu horreyay ee dowladda Soomaaliya la qaadato ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kaddib markii si kulan uu shaley uga hadlay dhibaatooyinka lagu hayo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in suuqa Bakaaraha uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo Soomaalida.

Dhawaan xarun ganacsi oo ku taalla Suuqa Bakaaraha ayaa laga dhacay 50kun oo dollar mana jirto cid loo soo qabtay arrintaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com