Xaaska sarkaal ONLF ka tirsan oo laga afduubtay Kenya oo xog badan bixisay

Nairobi (Caasimada Online) BBC-da ayaa wareysatay xaaska mid ka mid ah labo sarkaal oo ka tirsan ONLF oo dhawaan laga afduuntay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qadro Cabdi Qamaam oo ah xaaska Sulub Cabdi Axmed ayaa sheegtay ninkeeda inlaga afduubtay magaalada Nairobi lana geeyay dalka Ethiopia.

Waxa ay sheegtay in ogaatay odaygeeda in la afduubtay markii ay weysay muddo badan badan oo ay sugayeen iyada iyo carruurtiisa.

“Ninkeyga isagoo jooga Twonka ayaa la afduubtay, waxaana afduubatay dowladda Ethiopia, aad ayaan uga naxsanahay, waxaa lala afduubtay Cali Axmed Xuseen, labadooda waxa ay ahaayeen mas’uuliyiin dalkooda difaacaya” ayeey tiri.

Marwo Qadro ayaa ninkeeda ku sifeesay qof illaah ku xiran oo wadaad ah isla markaana daacad ahaa.

“Anniga iyo lix carruur oo aan u hayo oo ugu yar yahay seddax bilood ilmo jirro aad ayaan uga naxsanahay xaalada uu ku sugan yahay ninkeyga” ayey tiri.

Si kastaba, La-taliyaha Dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Cabdinuur Cabdullaahi Faarax “Cabdinuur Yare”, ayaa warbaahinta u sheegay in labadaasi sarkaal ay “Nabad-qaateen” sida uu hadalka u dhigay, haatanna iyaga oo bad-qaba ay ku sugan yihiin Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia.

Wuxuu sheegay in raggaas ay qaateen nabadda oo ay hadda diyaar u yihiin in ay ku biiraan dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com