Howgallo dadka khalkhal galiyay oo saakay ka socda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa saakay qaybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ka socda howgallo ay sameenayaan ciidamada dowladda.

Meelaha howgalada ka socdaan waxaa ka mid ah Jidka Warshadaha, waxaana halkaas lagu arkayaa ciidamo fara badan, kuwaasoo gurri u galaya xaafadaha ku teedsan waddadaas.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in la baarayo dadka la socda baabuurta adeegsada waddadaas, kuwasoo la weydiinaayo halka ay ka yimaadeen iyo halka ay ku socdaan.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu qabqabtay dad fara badan oo u badan dhallinyaro kuwaasoo qaar kood la qabtay iyagoo masaajid ku socday.

Dadka ku nool goobaha ay howgallada ka socdaan ayaa ka cabsi qaba in uu sameen ku yeesho, maadama gurri gurri ciidamada ay u galayaan.

Ma cadda howgalka saakay ka socda magaalada Muqdisho wuxuu salka ku hayo, balse waxaa la aamisan yahay in ay ka dambeeyaan qaraxyo iyo weerarro habeenadii la soo dhaafay gilgilay caasimada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in laga soo abuulay waddada Warshadaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com