Dhageyso: Uhuru oo wadnaha farta ku haya, xilli go’aan laga gaari doono

Hague (Caasimada Online) – Magaalada The Hague ee dalka Netherlands waxaa maanta ka socday shir gaar ah oo go’aan looga gaari doono dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo wadnaha farta ku haya una dheg taagaya, waxa soo bixi doona.

Qareennada u doodaya waxay doonayaan in go’aanka maanta la gaarayo uu noqdo in gebi ahaanba la laalo dacwaddan , maadaama aan la hayn caddeymo ku filan oo lagu maxkamadeeyo.

Dacwad oogeyaasha ayaa dhankooda doonaya in dacwadda dib loo dhigo inta laga sameynayo baaritaano hor leh.

Daud Aweis oo ka tirsan idaacadda VOA ayaa khadka telefonka kula xiriiray Xildhibaan Abdullahi Dirie oo ka tirsan baarlamanka Kenya, Waxaana uu ugu horeyn weydiiyey waxa uu ka filayo inay ka soo baxaan shirka maanta dhacaya.