DF oo qaab cusub u fashilineysa Xaflad uu qabsanayo Sheekh Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ciidamo aad u farabadan lagu daadiyay wadada gasha City Palace Hotel ee magaalada Muqdisho halkaasi oo la filaayo in goordhow uu gaari doono Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamadaani ayaa la sheegayaa inay jareen gabi ahaan wadada gasha Hoteelka si halkaasi aysan u gaarin Taageerayaasha Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamadaani ayaa gaadiidka ka ilaalinaaya inay u gudbaan dhanka Hoteelka, waxa uuna ujeedku yahay inaanu taageerayaasha lagu casuumay Xafladaasi aysan gaarin.

Wadada ayaa waxaa laga xiray Isgooyska Shaqaalaha ilaa City Palace Hotel, iyadoo dadka u socday Xaflada uu Sheekh Shariif ku iclaamin lahaa Musharaxnimadiisa laga celinaayo halkaasi.

Xaflada oo lagu marti galiyay inkabadan Kun ruux, ayaa waxaa suuragal ah inay gaaran tirro aad u yar, iyadoo sababta ugu badan ay noqoneyso wadooyinka laga celinaayo taageerayaasha Sheekh Shariif ee ku wajahan Xaflada.

Ciiidamada ayaa sidoo kale lagu daadiyay xitaa xaafadaha ku dhow dhow City Palace Hotel si aysan dadka halkaasi uga soo gaarin Hoteelka oo ay ka dhaceyso munaasabada.

Sheekh Shariif ayaa loo diidan yahay in City Palace Hotel uu ku qaabilo Taageerayaal aad u badan, waxa ayna arrintaani tahay in niyad jab lagu rido si uusan u helin dad farabadan.

Docda kale, Sheekh Shariif ayaa noqonaaya Musharaxii labaad oo taageerayaashiisa laga xirxiro wadooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com