Xog: Ethiopia iyo Xasan oo isla sameeyay koox cusub oo kala dhantaasho doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in magaalada Addis Ababa lagu aasaasay Koox cusub oo loogu tallo galay in lagu kala dhantaalo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Kooxdaani oo ay ku mideysan yihiin maalqabeeno kasoo kala jeeda Deegaanada Somaliland iyo Jigjiga kuwaasi oo dowlada Ethiopia u xulatay kala geynta Musharaxiinta, iyadoo qorshaha uu yahay inay dhexgal ku sameeyan Musharaxiinta.

Kooxdaani ayaa waxaa lagu magacaaba ”Hargeisa Time” waxaana la soo sheegayaa in iminka ay soo gaaren magaalada Muqdisho iyadoo kulamo hordhac ah la qaatay qaar kamid ah Musharaxiinta.

Kooxdaani ayaa Musharaxiinta qaar ka dalbatay inay ka tanaasulaan Musharaxnimadooda iyagoo u ballanqaadaya inay siinayaan dhaqaale aad u culus oo lagu qiimeyn doono lacagaha uga baxay ololahooda iyo mid iyaga si gaar ah loo siindoono.

Ujeedka ugu weyn ee loo aasaasay Kooxdaani ”Hargeisa Time” ayaa ah inay garab u noqdaan Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtiga ka dhamaaday.

Sidoo kale, qorshaha Kooxdaani ayaa ah inay ka taqlusiyaan dhammaan Musharaxiinta si Xassan Sheekh ay ula tartamaan keliya Seddex musharax oo ugu danbeyntii cododkooda isaga ugu shubi doona.

Dhaqaalaha ku baxaaya ololaha ay Kooxdaani Hargeisa Time kawadaan magaalada Muqdisho, ayaa waxaa iska kaashanaaya Dowlada Ethiopia, Xassan Sheekh iyo Kooxda qudhooda oo ah Ganacsato maalqabeyn ah.

Dhismaha Kooxdaani lagu badbaadinaayo Xassan Sheekh ayaa qeyb ka ah Heshiis dhawaan ka dhacay magaalada Jigjiga kaasi oo ay wada galeen Xassan Sheekh iyo Ethiopia, waxaana garwadeen ka ahaa maamulka Jigjiga.

Si kastaba ka ahaatee, qorshahaani oo muddo badan laga soo shaqeynaayay ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu soo saaro Xassan Sheekh si Dowlada Ethiopia ay uga dhabeyso Balantii ay la gashay Xassan Sheekh.

By Maxa’ed Nur Xassan ” Local”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com