Musharaxiinta oo lagu ogaaday arrin xili danbe Fadeexad ku noqon doonta

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo inta badan Siyaasiyiinta dalka ay ku biireen Musharaxiinta la loolameysa Madaxweynaha uu wakhtigiisa dhamaaday ayaa waxaa soo baxeysa in Siyaasiyiintaasi ay dano aanan sii fogeyn ka leeyihiin Musharaxnimadooda.

Nabadoon Maxa’uud Suleymaan Nuur oo kamid ah Nabadoonada ku howlan xulista Xildhibaanada cusub ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin Musharaxiinta qaar.

Nabadoonka waxa uu sheegay in Musharaxiinta qaar ay Musharaxnimadooda ugu dhawaaqen keliya sida ay uga mid noqon lahaayen Xildhibaanada la xulaayo, waxa uuna sheegay in tani ay tahay Siyaasad cusub oo loogu soo biirikaro Baarlamaanka.

Nabadoonka oo arrintaani ka hadlaayay ayaa yiri ”Waxaa nagu soo kordhay arrin nagu cusub waxaan ogaanay in Musharaxiinta qaar aysan dan ka laheyn ka qeybgalka doorashada balse ay doonayaan in magaca Musharaxnimada ay ku helaan xubinimada Baarlamaanka Somalia”

”Musharaxnimadooda afka ah waxa ay ku helayaan Xildhibaanimo qasab ah, waayo Musharax waliba waa inuu marka hore xubin ka noqdaa Baarlamaanka, sidaa darteed waxa ay arrintaani noo horseeday dhibaato”

”Musharaxii aan ka dhabeyn musharaxnimadiisa ee keliya doonaaya in qaabkaasi uu ku helo Xubinimada Baarlamaanka ha ogaado inuu la kulmi doono fadeexad”

Nabadoon Maxa’uud Suleymaan, waxa uu sheegay in talaabadaani ay noqon karto mid fadeexad iyo fashil u horseeda Musharaxiinta waxa uuna cod dheer ku sheegay in jahwareer uu kasoo foodsaaray la tacaamulida Musharaxiinta.

Waxa uu nasiib darro ku sheegay in laga beensheego Musharaxnimada si xubinimada Baarlamaanka loo helo, waxa uuna ka digay in lagu sirmo.

Haddalka Nabadoon Maxa’uud Suleymaan, ayaa imaanaya iyadoo Siyaasiyiin aan heysan dhaqaale muuqda ay ku dhawaaqen inay yihiin Musharaxiin la loolameysa Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday kuwaasi oo u jeedkooda uu yahay kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com