DFS oo shaacisay in shirka IGAD ee muqdisho uu dib u dhacay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa aad loo adkeeyay amaanka wadada Makka Al-mukarama iyo qaar kamid ah wadooyinka gala Garoonka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waddooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo isku dhaf ah oo aad u hubeysan kuwaasi oo la sheegay inay xaqiijinayaan amaanka goobta la filaayo in lagu qaban doono Shirka IGAD ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Amniga ee gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo u waramaayay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa xaqiijiyay in adkeynta amniga ay sabab u tahay shirka la filaayo inuu ka furmi doono magaalada Muqdisho.

Afhayeenku waxa uu sheegey in shirka uu furmi doono maalinta Talaadada oo ku beegan 13-ka Bisha aan ku jirno waxa uuna cadeeyay in mudada ka horeysa ay sii xirnaan doonto goobaha hadda lagu daadiyay ciidamada amaanka.

Waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ay isticmaali karaan wadooyinka qaar, haddii ay jiraan duruufo lama gudbaana ay shacabka u fududeyn doonaan.

Shirkaani ayaa waxaa lagu ballansanaa inuu furmo maalinta Sabtida oo ku beegan 10-ka Bishaani, hayeeshee sababo aan la shaacin oo jira aawgood ayaa dib loogu dhigay maalinta Talaadada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com