Dabageed oo ka cabanaaya Xassan Sheekh kadib markii uu..

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axned Hagar “Dabageed” ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu gacan dhaaf ku sameynaayo dhismaha Maamulkii Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

Dabageed waxa uu sheegay in dowlada Somalia aysan tixgalin soo jeedinta Madaxda Gobolka Hiiran waxa uuna tilmaamay inuusan fileynin in shirka ka socda magaalada Jowhar laga gaari doono Guul.

Dabageed, waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin wajiyada cusub oo ay kala kulmayaan Madaxweynaha iyo Madaxda kale waxa uuna ku taliyay in laga fiirsado sida loo maamulaayo shirka ka socda magaalada Jowhar.

Waxa uu sheegay in cabashadiisa ku aadan Madaxweynaha ay tahay inuusan xushmad u muujin dadka dega Gobolka Hiiraan, balse loo baahan yahay in Madaxweynuhu uu dhex dhexaad ka noqdo labada Gobol ee maamulka loo dhisi doono.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay dowlada in labada guddoomiye Sh/dhexe iyo Hiiraan oo kusugan magaalada Muqdisho ay dowlada iyo urur goboleedka IGAD ay idaacadaha ka maqlaan in shirka labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan 3da bisha September dib loo bilaabayo shirka.

“Maxamed Cabdi Afey,Gabre iyo Maxamed Cumar Carte shaqo kuma lahan labada gobol balse Hiiraan iyo Sh/dhexe waxa ay leeyihiin wasiiro iyo xildhibaano iyo maamul waana ina lagala tashtaa masiirka labada gobol mana aha mid la aqbali karo go’aanka ay soo saareen.”ayuu yiri Guddoomiye Dabageed.

Madaxweynaha Somalia ayuu sheegay in looga baahan yahay inuu daraaseeyo sida ay wax uga socdaan magaalada Jowhar waxa uuna ka digay in maamul u sameynta labada Gobol qabab khaldan loo maro.

Haddalka Dabageed ayaa imaanaya iyadoo maalin un ka hor uu warbaahinta ka sheegay inuusan taagersaneyn shirka ka socda magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com