Wararkii ugu dambeeyey shirka madasha iyo arrin la isku hayo oo keentay isbaheysiyo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka madaxda Soomaalida ee ka socda Muqdisho, ayaa waxaa hareeyay khilaaf ku aadan tirada xubnaha aqalka sare ka koobnaan doono iyo iyadoo maamulada qaarkod soo jeediyeen in qaybinta xildhibaanada dib loogu noqdo ama gabigiisa meesha laga saaro mar kale.

Xogta Caasimada Online kasoo gaareysa Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Galmudug hurmuud ka yahay diidmadaan cusub isagoo tageero ka haysta maamulka Koonfur Galbeed iyo jaanib kamid ah madaxda dowlada Federaalka ah.

“Dooda ka taagan shirka madasha ayaa waxay salka ku haysaa in madaxda maamulada qaarkood leeyihiin xubnaha aqalka sare si siman maamulada ha u qabsadeen iyadoo dib loo soo celinayo xubnaha dheeriga ah ee Puntland iyo beelaha Somaliland ka qaateen Xildhibanaada aqalkaas” sidaas waxaa Caasimada Online uu sheegey sarkaal aan ka fogeyn shirka madaxda Soomaalida uga socda Muqdisho. 

Aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia ayaa sida Dastuurka KMG 2012 ku qoran waxaa uu  ka koobnaan doonaa  54 xubnood oo matalaya maamulada Soomaalida.

Kulamadii madasha ee madaxda Somalida gaar ahaan midkii lagu qabtey magaalada Kismayo bilowgii sanadkaan inkastoo aan lagu dhawaaqin heshiiskii la gaarey ayaa madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland lagu qanciyey in la dhisayo aqalka sare ee Federaalka xiligaan balse aqbalaan in nidaamka 4.5 lagu saleeyo doorashada 2016.

Korsiimada Puntland iyo Somaliland loo sameeyey kulankaas Kismayo kadib taasoo aheyd in maamulkiiba Sadex xubnood loogu daro ayaa salka ku haysay labo arimood; In Madaxweyne Gaas lagu qanciyo 4.5 iyo In labadaan maamul yihiin kuwii ugu horeeyey ee nidaamka Federaal ku dhisma islamarkaana ka kooban gobolo dhameystiran sida Dastuurku qorayo.

Waxaa sidoo kale kulamadii looga arinsanayey nidaamka lagu saleynayo hab qaybsiga aqalka sare abuureen muran badan taasoo markii dambe Puntland iyo Jubaland tanaasul kale ka sameeyeen qaabka lagu saleynayo. Doodaan maamulada iyo madaxda Somalida horey u soo dhexmartey ayaa salka ku haysay labo arimood; In 18 gobol lagu soo xulo xildhibanada iyo In maamul goboleed lagu saleeyo . 

Go’aankii ugu dambeeyey ee la isku raaco ayaa noqdey in lagu qaybsado xubnaha Barlamanka nidaamka ku saleysan maamul goboleed si siman iyadoo la eegin in qaarkood buuxiyeen shuruudihii dastuuriga ahaa.

Caasimada Online ayaa fahansan dhinaca kale beelaha kasoo jeeda gobolada Somaliland iney dalbanayaan in dib loogu soo celiyo sadexdii xubnood ee laga qaadey kulankii kan ka horeeyey oo ka dhacey magaalada Muqdishu 9 August hadii kale ay ka baxayaan doorashada 2016.

Kulankii madaxda Somalida Muqdisho ku yeelatey 9 August, 2016 ayaa  3 xubnood oo ka tirsan 11xunood ay ku lahaayeen aqalka sare ee Barlamanka Somalia beelaha kasoo jeeda gobolada Somaliland waxaa Labo kamid ah la siiyey qabaa’ilada dhulbahante iyo Warsangali halka xubinta kale loo magacaabey reer la yiraahdo Fiqi Shini kuwasoo ka tirsan beelaha Hawiye.

Warmurtiyeedkii ugu dambeeyey ee shirarka madaxda Soomaalida kasoo baxa 9 August, 2016 ayaa lagu sheegey in beelaha kasoo jeeda gobolada Somaliland dib loo siiyey 2 xubnood oo siyaado ah taasoo tirada xildhibanada aqalka sare ku yeelanayaan ka dhigeysa 10 xubnood. Talaabadaan madaxda Soomaalida qaadey ayaa jabisay qodob Dastuuri ah oo dhigayey tirada aqalka sare ee Barlamanka noqon doonto 54 xubnood halka ay xiligaan noqotey 56 xubnood.

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo tageero ka helaya xulufada siyaasada ee Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa fursad ka dhigtey Kororsiimada xubnaha ee loo sameeyey beelaha kasoo jeeda Somaliland waxayna miiska wadahadalka kulankaan soo saareen in korhin kale loo sameeyo maamulada kale oo dhan ama aqalka sare dhismihiisa laga saaro doorashada 2016.

Dhinaca kale gobolka Banaadir oo ka qayb noqoshada aqalka sare ku waayey nidaamka maamul goboleed ayaa dadka u doodaya xuquuqdiisa waxay leeyihiin waa in kororsiimadaan xubno laga siiyo magaalada Muqdisho. 

Hadaba murankan hareeyay shirka madasha madaxda Somalida ayaa horey waxaa horey loo saadaliyey inuu noqonayo mid adag oo keeni Kara khilaaf cusub;

Muranka iyo khilaafka horeeyey kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli maalinta berri ah ku egtahay mudadii Afarta sano aheyd ee uu xilka hayey Madaxweynaha Xasan Shiikh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com