Xog: Al-bashiir oo go’aan lama filaan ka qaatay shirka IGAD ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinta Talaadada ee fooda nagu soo heysa la filaayo in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka furmo shirka Shir madaxeedka IGAD, ayaa waxaa haddana soo baxaaya warar sheegaya in shirkaasi uusan kasoo qeybgali doonin Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xassan Axmed ”Al-bashiir”

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Al-bashiir uu ka cudur daartay ka qeybgalka shirka, waxa uuna taasi bedelkeeda sheegay in shirkaasi uu usoo dirsan doono wakiil isaga matali doona.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Al-bashiir uu cabsi lixaad leh ka muujiyay imaan shiyihii Somalia, maadaama Maxkamada Dembiyada Caalamiga ah ee Heeg ay dhowr jeer amar ku bixisay in lasoo xiro Al-bashiir.

Al-bashiir ayaa la sheegay inuu sabab ka dhigay inaanu dowlada Somalia damaanad qaadi karin haddii ay dhacdo in Reer Galbeedka jooga Somalia ay isku dayaan inay gacanta ku dhigaan maadaama Somalia aysan laheyn awood ku filan oo ay ku badbaadinkarto.

Al-bashiir ayaa sheegay inuu jecel yahay inuu ka qeybgalo shirka ka furmaaya magaalada Muqdisho, hayeeshee caqabada ugu badan ay tahay inaan leysku haleyn karin amniga ka jira Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com