Dibaxbaxyada dalka Ethiopia oo fursad ay uga soo baxday Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay banaanbaxyo lixaad leh ay ka socdaan qaar kamid ah Gobolada Dalka Ethiopia ayaa waxaa sii socoshada dibad-baxyadaasi la sheegay inay maslaxad ugu jirto dalka Somalia.

Axmed Cusmaan Nuur oo kamid ah Aqoonyahaanada dalka ayaa sheegay in dowlada Somalia ay saameyn ba’an ku yeelan doonto dibad-baxyada ka socda Gobolada dalkeeda.

Waxa uu sheegay dowlada Ethiopia aysan awood u laheyn in ciidamadeeda ay kasii howlgalaan Somalia, haddii uu sii socdo dibad-baxyada waxa uuna faramuuqay in taasi ay maslaxad u tahay Somalia, marka la eego dhanka Siyaasada.

Aqoonyaankaani ku takhasusay arrimaha Siyaasada ayaa sheegay in dowlada Ethiopia qudheeda ay u baahnaan doonto garabsiin haddii kacdoonada socda ay muddo bil ah kusii darsadaan waxa uuna carab dhabay in ka bixitaanka Ethiopia ee Somalia ay fursad baaxad leh u noqon doonto Umadda Soomaaliyeed.

”Xiligii hore waxaa la oran jiray burburka Somalia waxa ay fursad u tahay dowladaha deriska la ah Somalia ee uu cadaadin jiray Siyaad Barre, balse hadda burburka Ethiopia waxa uu fursad amni u noqonayaa Somalia waayo waxa ay kaalin ka qaadataa xasil darida ka taagan Somalia”

”Lama eegayo dibad-baxyo dhacaa ee waxaa laga eegayaa saameynta uu ku yeelankaro Ethiopia, waxaa kacdoonkaasi ka dhalanaaya Axsaab mucaarad ah oo dabaroga Siyaasada dalkaasi waxa ay taasi abuureysaa in dowlada Ethiopia ay ku mashquusho howlaheeda awood uma yeelankarto arrimaha Somalia”

”Xasiloonida ka jirta Ethiopia waa kala mashquulka dowlada iyo shacabka haddase waxa ay u muuqaneysaa in arrinku uusan lamid noqon doonin sidii hore”

”Ethiopia waxa ay Somalia ka cuuryaamisay dhan waliba Siyaasada, Horumarka, Amniga, isku soo dhawaanshiyaha muwaadiniinta, balse waxaasi oo dhan waxaa xal loo heli doonaa markii ay sii ololaan kacdoonada ka socda Gobolada Ethiopia”

Aqoonyahan Axmed Cusmaan Nuur, waxa uu sheegay in qorshaha ay Ethiopia u joogta Somalia uusan aheyn xal u helida Siyaasada Somalia, balse uu yahay inay is hortaag ku sameyso Horumarka iyo Xasiloonida Somalia.

”Xal uma joogto Somalia iskaba daaye waxa ay ku taameysaa kala gooygooynta Somalia iyo sidoo lagu carqaladeyn lahaa xasiloonida ka jirta dalka”

Haddalka Axmed Cusmaan Nuur ayaa imaanaya iyadoo Gobolo kamid ah dalka Ethiopia ay ka socdaan dibad-baxyo aan joogsi laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com