Go’aankii DF oo arrin xasaasi ah ka dhex abuuray dowladda Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Kenya ayaa qeyla dhaan ka muujiyay xanibaada ay dowlada Somalia xanibtay qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya ee loo iibkeeni jiray Somalia.

Xildhibaanadu waxa ay ku doodayaan in dhaqaalaha Kenya uu durbaba hoos u dhacay tan iyo markii ay dowlada Somalia soo saartay go’aanka qaad joojinta, waxa ayna sheegen in dowlada Kenyatta looga baahan yahay inay ka hadasho qaadka la hakiyay.

Xildhibaano ay kamid yihiin Florence Kajuju iyo Kubai Iringo oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in go’aanka Somalia uu hoos u dhac dhaqaale ku keenay Kenya waxa ayna cadeeyen in muddo kooban ay khasaaren lacag kabadan Afar Miylan oo Shilinka Kenya ah.

Xildhibaannada ayaa eedda dusha uga tuuray Guddoomiyaha Gobolka Meru, Peter Munya ,kaas oo ay ku eedeeyeen in uu faraha la galay arrimo diblomaasiyadeed oo aan ka mid ahayn shaqadiisa.

Waxaa ay ku sheegeen Mr Peter Munya ,in uusan matalin Kenya iyo Dadka labada Gobol ee laga joojiyay soo saaridda Qaadka.

Xildhibaanada Florence Kajuju iyo Kubai Iringo waxa ay dowlada Somalia ka codsadeen in ay maqasho codkooda kana qaado cunaqabateynta la saaray Jaadkii ay u soo dhoofin jireen Somalia.

Dhinaca akle, Dowladda Somalia ayaa ku eedeeysay Kenya in ay faraha la gashay madaxbanaanida Somalia, sidaa darteedna ay joojisay Jaadkii uga iman jiray Dalka Kenya ilaa amar dambe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com