Gudoomiyayaasha degmooyinka G/Banaadir oo qorsho cusub la dheelaya Boorsaani

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ay ka socdaan xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Somalia ayaa waxaa hadana soo baxaaya in ololaha xulistaasi ay ku biireen Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyayaasha Gobolka ayaa la sheegay inay u hanqal taagayaan kamid noqoshada Xildhibaanada cusub si ay uga caga siibtaan Maamulka Gobolka Banaadir oo afka carada la gali doona haddii laga guuleysto Madaxweyaha iminka xilka uu kasii dhamaanaayo Xassan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxaa la arkayaa iyagoo Odayaasha beelahooda kulamo kula qaadanaaya Hoteelada Magaalada Muqdisho si ay uga dhaadhiciyaan kamid noqoshadooda Xildhibaanada cusub.

Mid kamid ah Guddoomiyayaasha oo inooga xog waramay arrintaani ayaa sheegay in sababta ololihiisa ay tahay in maamulka Gobolka Banaadir uu wakhtigiisa dhamaanayo haddii laga guuleysto Madaxweyne Xassan oo musharax Madaxweyne ah.

Waxa uu Guddoomiyahaani xaqiijiyay in dowlada Cusub ay la imaan doonto Guddoomiye cusub, sidaa darteedna isaga iyo Guddoomiyayaal kale oo asxaabtiisa ah ay go’aansadeen inay raadiyaan sida ay uga mid noqon lahaayen Baarlamaanka Cusub.

Waxa uu intaa kusii daray xogtiisa in ololahaani ay bilaaben muddo bil ka hor iminkana ay ku rajo weyn yihiin inay ku biiri doonaan Baarlamaanka cusub.

Xildhibaanada cusub ee imaan doona ayaa waxaa u badnaan doona dhalinyaro xiiseyneysa Siyaasada dalka waxaase suuragal ah in qaarkood ay waayan rajadooda marba haddii uu arrinku yahay dhaqaale bixin.

Dhinaca kale, waxaa qorshaha Guddoomiyayaasha uu ku jiro damaca aan la socon Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Boorsaani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com