Xog: Britain oo ciidamada ka jooga Somalia kordhineysa (Imisa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday inay kordhineyso maalmaha soo socda Saraakiisha iyo ciidamada ka jooga Somalia.

Michael Fallon oo ah Xoghayaha Gaashaandhigga Britain, ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynaha ay Wasiiradda Difaaca ee 80 Waddan ku leeyihiin magaalladda London.

Michael Fallon, waxa uu sheegay in mudada ay ciidamadooda ka howlgalayaan Somalia ay ku tallaaben waxqabad muuqda, hayeeshee ay Britain go’aan ku gaartay inay tirro kordhin ku sameyso ciidamada ka jooga Somalia.

Michael Fallon, oo khudbad ka jeedinaayay shirka ayaa sheegay in Ujeedka shirka uu yahay daraaseynta Howlaha nabad-ilaalinta QM ee ay ka wadaan dalalka Somalia iyo South Sudan.

Michael Fallon, waxa uu tilmaamay in iminka Somalia ay ka howlgalaan ciidamo dhan 40 Askari, balse la gaarsiin doono ilaa 70 Askari.

Sidoo kale, Mr Michael Fallon waxa uu cadeeyay in dowlada Britain ay kaalin weyn ka cayaarto Hawlaha Nabad-ilaalinta ee ka socda Qaaradda Afrika gaar ahaan Hawlgalka Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Britain ay dhaqaale xoogan ku bixiso nabadeynta Somalia, wuxuuna tusaale usoo qaatay in sannadkan ay Somalia ugu deeqeen lacag dhan 200 million oo Giniga Istarliinka (£200 million).

Geesta kale, Michael waxa uu cadeeyay in tirro kordhinta ciidamada Britain ka jooga Somalia ay tahay mid hubaal ah oo aan laheyn ka weecasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com