Xasan Sheekh oo walaac horleh ku abuuray shacabka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay wadooyinka magaalada Muqdisho oo maalintii labaad, isagoo sheegay iney sii xirnaan doonaan waddooyinka.

Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu sheegay in sababaha loo xiray waddooyinka ay tahay xaqiijinta dhanka amaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in laamaha amaanka looga baahan yahay iney amniga sii xaqiijiyaan.

Sidoo kale Xasan Sheikh wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ee amniga loo xiray ay tahay shirka urur goboleedka IGAD ee dhawaan ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi la qorsheynayaa in maalinta Tallaadada uu dhacaa.

Martigelinta shirka urur goboleedks IGAD ayuu sheegay iney tahay mid loo diyaar garoobaa, lana xaqijiyaa amaanka caasimada Soomaaliya oo madaxweynayaal ay imaanayaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka wuxuu faray inay Bulshada si wanaagsan ula dhaqmaan oo aysan dhibaateyn, maadaama ciidamada Qaranka ay yihiin Difaacayaasha shacabka.

Waddooyin badan oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa xiran, waxaana la joojiyay gabi ahaanba dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha, balse waxaa loo ogol yahay gaadiidka xubnaha dowlada ay la socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com