Uhurro iyo Xasan Sheekh oo ka wada hadlay xanibaada qaadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in wadahadal khadka Teleefoonka ah uu dhex maray Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta iyo dhigiisa Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Wadahadalka labada Madaxweyne ayaa salka ku hayay arrimaha la xiriira qaadka Kenya ee laga mamnuucay dalka Somalia, waxaana la sheegay in wadahadalkaasi uu socday muddo kooban.

Kenyatta waxaa la sheegay in Xassan Sheekh uu ka dalbaday inuu qaado xayiraada uu saaray qaadka ka degi jiray Somalia ee laga qaadi jiray dalkiisa.

Afhayeen u hadlay dowlada Kenya ayaa xaqiijiyay in labada Madaxweyne ay isla qaada dhigeen arrinta la xiriirta qaadka, waxa uuna sheegay in xal laga gaaray.

Afhayeenku waxa uu sheegay in mudada la xanibay qaadka uu ka dhashay khasaaro dhakhaale oo aad u ballaaran waxa uuna qiray in dowlada Somalia go’aankeeda uu saameyn lixaad leh ku yeeshay Kenya.

Afhayeenku ma uusan sheegin waxa uu yahay go’aanka laga gaaray wadahadalka labada Madaxweyne ee ku aadan arrinta qaadka.

Afhayeenku wuxuu dhanka kale xusay in dowladu sugayso amniga Gudoomiyaha Meru county oo ka qeyla dhaamiyay hanjabaadaha kaga imaanaya dhanka beeraaleyda qaadka.

Dhinaca kale, dowlada Kenya waxa ay sheegtay in dib uusan usoo laaban doonin ficil lamid ah kii uu ku kacay Guddoomiyaha Meru county.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com