Xog: Muran dhinaca amniga oo dib u dhigay shirkii IGAD ee Xamar

Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah oo ay ilo lagu kalsoon yahay ka heshey shabakadda Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in sababta ugu weyn ee dib loogu dhigay shirka Madaxweynayaasha IGAD ee Muqdisho ka dhici lahaa ay tahay cabsi xagga amniga ah iyo digniino la heley oo ah in aan la isku haleyn karin amniga goobta shirku ka dhacayo.

Laamaha ammaanka ee dowladda iyo kuwa dalalka saaxibada la ah Soomaaliya ee Amisom, UN-ka iyo reer galbeedka ayaa isku khilaafay amniga goobta, iyada oo dowladda ay isku dayday inay ku qasabto inay nabad tahay oo ay tahay shirku inu ku dhaco xiligii loogu tala galay hase yeeshe laga diiday, taasi oo ay dowladda Soomaaliya ku qasbanaatay in ay iclaamiso in dib loo dhigay shirka ilaa 13-ka bishan.

Welwelka xagga amniga ayaa xoogaystay kadib markii ay u cadaatay IGAD iyo beesha caalamka in hoobiyayaasha lagu garaacay laga soo riday meel xerada xalane u jirta 500 Meter, taasi oo laga cabsi qabo in laso weeraro marka Madaxweynayaasha IGAD ay xamar tagaan.

Sidoo kale arrintan ayaa waxaa sii adkeeyey hadal wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriisku ay sheegtey oo ahaa in Muqdisho booqasho aan la sii sheegin uu ku tagay xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee UK oo uusan soo arkin meel amni ah oo la isku haleyn karo, xilli walbana ay dhici karaan weeraro qatar ah oo qorsheysan oo ay argagixisadu ay ka fuliyaan Xalane iyo garoonka diyaaradahaba.

Sidoo kale waxaa jira in shirku uu kusoo aadey xilli xasilooni darro siyaasadeed ay ka jirto laamaha dowladda Soomaaliya dhexdeeda iyo sidoo kale maamulada dalka oo ku heshiin waayay doorasho dhacda xilli waqtigii rasmiga ahaa ee sharciyadda dowladda ay dhamaatay oo ay ku ekeyd maanta oo 10ka September ah, islamarkaana aysan weli muuqaan siyaasad xasiloon oo u dhaxeeysa hogaamiyayaahsa Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com