Shirqool Al-Bashiir loogu maleegey Somalia oo laga war-helay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar sirdoon ah oo ay heshey Casimada Online ayaa xaqiijiyay in sirdoonka Sudan ay heleen  xog ku saabsan shirqool ka dhan ah Madaxweynahooda Cumar Xasan Albashiir, kaasi oo lagu waday in loo fududeeyo reer galbeedka Xalane Sirdoonkooda ay joogan inay qabsan karaan oo ay xeri karaan.

Waxaa lagu soo waramay in la heley qoraalo sirdoon oo ay is dhaafsadeen laamaha iyo madaxweynaha Soomaaliya oo ku amray laamaha amniga in Xalane amnigeeda aysan shaqa ku lahayn dowladda Soomaaliya oo reer galbeedka iyo shirkada gaar loo leeyahay oo amni ay maamulayaan amniga madaxweynayaal uu ku jiro Albashiirka Sudan, halka kuwa kale ee Kenya, Uganda iyo Itoobiya ay ciidamo dowladahooda ka socda ay madaxdooda ilaashan karaan laakiin Sudan loo diiday ciidankeeda gaarka ah inay Xalane galaan.

Madaxtooyada Suudaan ayaa u xaqiijisay tan Soomaaliya inay la socoto qorshaheeda qarsoon oo aysan suuragal ahayn in amniga Madaxweyne Albashir lagu aamino reer galbeed ayna hayaan qorshaha la wareegistiisa oo si gaar ah ay ugu eedeeyen Madaxweynaha Soomaaliya oo iyagana isaga dhigaya saaxiib iyo dal ay walaalo yihiin.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa waxaa xarigiisa amray maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, waxaana reer galbeedka ay isku dayayaan inay helaan fursad ay kula wareegi karaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com