KASHIFAAD: Xasan oo xalay qoray magacaabis iyo dalacsiin taariikh ahaan la hormariyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu uu dhamaaday ee dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la xaqiijiyay inuu qoray xalay wareegtooyin lagu dalacsiinayo qaar kamid ah xulufadiisa Damjadiid, iyada oo laga dhigayo in la qoray oo uu sixiixay bilihii March iyo April ee sanadkan.

Arrintaan ayaa qorshe ahaan waxa looga jeedaa sidii loo marsiin lahaa wareegtooyinkan cusub, maadaama waqtigii madaxweynaha ee 10 ka September la gaaray, horeyna xafiiska madaxtooyada waxaa looga saaray qoraal lagu hor istaagayo inuu digreetooyin magacaabis iyo dalacsiin ah uu qoro R/wasaare Cumar Cabdi Rashiid oo saacadihii ugu dambeeyey kala shaki uu soo kala dhex galay, iyaga oo R/W CC Sharmarke ku eedeeyey inuu ku balan furay.

Qorshahan la rabo in lagu qaldo Xubnaha kale ee dowladda ayaa durba u muuqda inuu fashilmay, kadib markii loo sheegay in xilligan aysan suurtagal ahayn in lasoo bandhigo warqado la qoray bila lasoo dhaafo oo muddo hore ay ahayd in lasoo saaro marba haddii ay run tahay in madaxweynuhu uu sixiixay magacaabista iyo dalacsiinta nuucaas ah.

Caasimada Online
Xafikska Muqdisho
caasimada@live.com