Sawirro: DF oo musharaxiin badan ku qasabtay iney waddooyinka ku lugeeyaan

Muqdisho (Caasimada online) – Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho uu shir kaga socday qaar kamid ah musharixiinta doonaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxdaasi waxaa qabsatay dhibaato shacabka Muqdisho heysatan labadan maalin.

Cali Maxamed Nuur Americo, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo musharixiin kale ayaa ku qasbanaaday iney ku lugeeyaan wadooyinka magaalada Muqdisho maadaama loo diiday gaadiidka.

Wadooyin waaweyn oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad xiran waxaana gabi ahaanba loo diiday gaadiidka sida gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha.

Cali Americo ayaa bartiisa facebook soo dhigay sawiro muujinaya iyaga oo ku lugeynaya waddada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo sawirada

1 2 3