QM oo digniin doorashada la xiriirta u dirtay madaxda Madasha iyo shirar wali socdo

Muqdisho (Caasimada Online) – Michael Keating, oo ah ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa wuxuu aad kaga walaacsan yahay in doorashada markale uu ku yimaado dib u dhac weyn, sida uu sheegay Mr Keating.

Keating ayaa caqabada iyo walaaca ugu weyn ku tilmaamay in hogaamiyaasha madasha wadatashiga Qaran uu wali shir kaga socdo magaalada Muqdisho kaasi oo la isku mari la’yahay qodobada qaar, wuxuuna sheegay in taasi dib u dhac kale ay keeni karto.

Madaxda Soomaalida ayuu ku eedeeyay iney leeyihiin masuuliyada dib u dhac weyn oo ka taagan arimaha doorashooyinka Soomaaliyeed, wuxuuna soo hadal qaaday dib u dhaca ka taagan jadwalka doorashada Soomaaliya.

“Jadwalka Doorashada ayaa xoogaa Dib u dhacay, si Hogaamiyeyaasha Somalida ay u dhameystiraan nidaamka Doorashada ay ku dhaceyso,  hada oo aan kula hadlaayo waxa ay ka shariyaan arintaasi”ayuu yiri.

“Waxaan ku qanacsanahay in Dorashada ay dhici doonto dhowrka bil ee soo socota, balse waan arki doonaa in Doorashada ay ku dhacdo waqtigii loo qabtay.” Ayuu yiri Michael Keating oo la hadlay Idaacada BBC.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in beesha caalamka aysan marnaba dooneyn dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada Soomaaliya ee sanadkaan, waxaana uu sheegay in horey biloyin loogu daray xiligii doorashada..

“Waxaa aad muhiim u ah in si dhab ah loo raaco jadwalka Doorashada ama sida ugu macquulsan loogu dhawaado waqtigaasi balse hadii ay jiraan sababo farsamo oo dib u dhac keeni kara laguna xaqiijinaayo in hanaanka Doorashada loo maareeyo sida ugu wanaagsan”ayuu hadalkiisa ku daray.

“waxaan la aqbali karin ayaa ah in Khilaaf siyaasadeed uu sababo Dib u dhac aanan waqtigiisa la ogeyn, Beesha caalamka iyo Ururada Bulshada ma doonayaan inay arkaan dib u dhac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com