Daawo sawirrada waddooyinka halboolaha u ah Muqdisho oo weli u xiran DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad xiran waddooyinka halboolaha u ah magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kuwaasi oo lagu daadiyay ciidamo aad u farabadan.

Waddooyinka xiran ayaa u badan kuwa gala Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo kuwa mara hareeraha Garoonka.

Waddooyinka qaar ayaa gabi ahaan la jaray waxaana ka mamnuuc ah inay isticmaalan gaadiidka raaxada iyo kuwa ay isticmaalan madaxda dowlada Federaalka.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa qeyb ka ah kuwo dhowr ah oo gala degmooyinka ku dhow dhow Garoonka sida Degmooyinka Waabari, Hodan iyo Wadajir.

Wadooyinka maalintii labaad u xiran dowlada ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama ee isku xirta xarunta madaxtooyada iyo garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho.

Wadooyinka kale ee la xiray ayaa waxaa ka mid ah wadnaha, soddonka, wadada hormarta dekeda illaa iskoolo buluusiyo iyo meelo kale oo badan.

Gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka bajaajka ayaa isticmaalaya wadooyin qardo jeex ah oo ku yaala xaafadaha shacabka ay degan yihiin.
wadooyinka-1

wadooyinka-2

wadooyinka-3

wadooyinka-4

wadooyinka-5

wadooyinka-6

wadooyinka-7

wadooyinka-8