Xildhibaanada BF oo mar qura faarujiyay Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray dhanka Xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay in inta badan Xildhibaanada ka tirsanaa Baarlamaanka ay faarujiyeen magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada faarujiyay magaalada Muqdisho ayaa u kala safray Gobolada ay kasoo kala jeedan si ay uga mid noqdaan Baarlamaanka cusub ee yagleelidiisu ka socto Gobolada qaar.

Xildhibaanada ka socdaalay magaalada Muqdisho ayaa ololo ka wada Gobolada ay kasoo jeeda si ay uga dhexmuuqdan Baarlamaanka cusub ee bedeli doona kan hadda shaqeynaaya.

Xildhibaanada qaar ayaa wakhtiga u harsan kusoo dhameysan doona Gobolada ay kasoo jeeda, waxa ayna ololo xoogan ugu jiraan kamid noqoshada Baarlamaanka.kood ayaa caqabado kala kulmaaya Odayaasha beelahooda ee ku howlan xulista maadaama lagu dhaliilaayo inaysan waxba u qaban beelaha ay kasoo jeedan mudada ay kamidka yihiin Baarlamaanka.

Dhinaca kale, waxaa jira tirro Xildhibaano aad u yar kuwaasi oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho, waxa ayna ololahooda kamid noqoshada Baarlamaanka ka dhex wadaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com