Xog: CC oo billaabay la midoobida Axsaabta mucaaradka DF (Qorsho cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno mid kamid ah Hogaamiyayaasha Axsaabta dalka, gaar ahaan garabyada ka dhisan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu jiro isku soo dhawaanshi iminka ka dhex bilaawatay Ra’isul wasaaraha dalka iyo Axsaabta Siyaasada.

Hogaamiyahaani oo dalbaday inaan la adeegsan magaciisa ayaa sheegay in xiriirkaani ay horay usii saadaalin jireen, balse uu iminka bilowday tan iyo markii Madaxweynaha dalka uu qalinka ku duugay sharciga Axsaabta.

Waxa uu sheegay in sababta xiriirkaani uu yahay mid dhashay kadib markii Ra’isul wasaaraha dalka wakhtigiisa uu dhamaaday isla markaana uu yahay musharax u taagan qabashada Hogaanka dalka.

Wuxuu sheegay in Ra’isul wasaaraha uu taageero weydiistay qaar kamid ah Axsaabta si ay u dhexmarto wada shaqeyn siyaasadeed, waxa uuna intaa raaciyay in Sharmaarke uu kaalin lixaad leh ka qaatay dadaaladii uu Xassan Sheekh ku saxiixay sharciga.

Xiriirka cusub ee iminka ka dhex curanaaya Axsaabta dalka iyo Ra’isul wasaaraha ayuu sheegay inay tahay mid albaabada u furi doonta Siyaasad wanaaga dalka lagu soo dabaali karo, waxa uuna rajo ka muujiyay guulaha ka dhalankara xiriirka.

Tani ayaa imaaneysa xili Ra’isul wasaaraha dalka uu ka shanqariyay musharaxnimadiisa, waxa ayna u muuqataa in Sharmaarke uu miciin bidaayo Axsaabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com