Xog: Kenyatta oo uruurinaya musharaxiinta loolanka kula jira Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo diblumaasiyiin ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in dowlada Madaxweyne Uhurro Kenyatta ay ku howlan tahay uruurinta Musharaxiinta loolanka kula jira Madaxweynaha Somalia ee xilka kasii dhamaanaya Xassan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya uu qeyb ka yahay ololaha ka socda Somalia isla markaana uu dhaqaale adag ku bixinaayo Siyaasiyiinta magaca ku dhex leh Somalia ee u taagan xilka qaranka.

Kenyatta ayaa la sheegay inuu casuumaad u sameeyay Musharaxiinta qaar si uu kala hadlo arrimaha Somalia iyo loolankooda waxaana soo ifbaxaaya in shaqsiyaadka la marti galiyay ay ku jiraan Musharaxiin kasoo jeeda dhanka Puntland iyo kuwo kale oo iminka la filaayo inay ka baxaan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Kenyatta ayaa wakhti badan galinaaya sida Somalia ay ku yeelan laheyd Madaxweyne laga hago Madaxtooyada Kenya.
Musharaxiinta uu uruurinaayo Kenyatta ayaa waxaa la sheegay in qaarkood ay iminka ku sugan yihiin magaalada Nairobi, sida aan kasoo xiganay ilo diblumaasiyiin iminka ku sugan Nairobo.

Siyaasada cusub ee uu dheelaayo Madaxweyne Kenyatta ayaa u muuqaneysa mid lagu cuuryaaminaayo Madaxweynaha uu xilka kasii dhamaanaayo Xassan Sheekh Maxamuud.

Ma cadda sida uu arrinku noqon doono waxaase muuqata in dowlada deriska la ah Somalia ay ololo xoogan ugu jiraan hanashada Siyaasada cusub ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com