NISA oo sameysay 991 iyo farrin loo diray shacabka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka dalka, oo ay ka gacan siiyaan sugidda amniga.

Afhayeenka ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay kaalin ka qaataan sugidda ammaanka, islamarkaana wax walbo oo amniga kahor imaanaya sidii looga hortagi lahaa ciidanka ay kala shaqeeyaan.

C/kaamil Macalin Shukri afhayeenka wasaaradda amniga, ayaa dhinaca kale sheegay in shacabka ay soo wici karaan No:991 hadii ay la kulmaan falal ka hor imaanaya amaankooda, oo ciidanka ay si deg deg ah u wargaliyaan.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyey dadaaladooda ku aadan sugidda amniga dalka, gaar ahaana caasimada Muqdisho oo la filayo in ay marti galiso shirar caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com