War Naxdin leh: Daacish oo qorsho halis ah la damacsan Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibbada Maraykanka, ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxda la magac baxday Daacishta ay qorsheyneyso in weeraro ay ka geysato goobo cayiman oo ku yaalla dalka Somalia.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Kooxda Daacish ay wadaan qorsho weerar oo ay ku cuuryaamin doonaan Nabadgalyada dhowr dal oo ay kamid tahay Somalia, waxaana sidoo kale lagu sheegay in weerarkaasi uu saameyn ku yeelan doono dadka haysta dhalashada Maraykanka.

Dalalka ay Waaxda xustay in Daacish ay ku qaadi doonto weerarada ayaa waxaa kamid ah Sida wadamada Somalia, Sacuudiga, Biljimka, Ciraaq iyo Syria.

”Waxaan ku baaqeynaa feejignaan waxaan la socnaa in Daacish ay weeraro u qorsheyneyso dhowr dal oo dadkooda uu heysto amni iyo xasilooni”

Kooxda ayaa qorshahooda weerar ee Somalia u wakiilan doonta Daacishta Somalia, halka wadamada kale ay u kala wakiilan doonaan xubno iyaga matala oo dalalkaasi ku dhaqan.

Dowlada Maraykanka ayaa dhowr jeer oo hore uga digay weeraro ka dhaca wadamo ay Somalia ka mid tahay.

Digniinta Mareykanka ee Somalia ku aadan ayaa imaaneysa xili Somalia ay isku diyaarineyso doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com