Odayaasha G/Sh/Dhexe oo soo saaray Go’aan adag oo ka careysiin doona DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Shir ay magaalada Jowhar ku yeesheen qaar kamid ah waxgaradka iyo oday dhaqameedyada gobolka Sh/dhexe, ayaa waxaa laga soo saaray baaq ku aadan hakinta dhismaha maamulka cusub ee loo sameynaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxgaradka iyo Odayaasha ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay joojiso dhismaha maamulka cusub maadaama dalka uu ku jiro xaalad adag oo aan suuragalinkarin in lagu mashquulo dhismo maamul Goboleed.

Waxgaradka iyo Odayaasha waxa ay cadeeyen in dhismaha maamulka cusub uusan ku habooneyn in lagu dhiso si degdeg, sidaa darteed ay ku baaqayaan in la dib dhigo dhismaha maamulka inta laga baxaayo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Nabadoon Cali Ibraahim Beesh oo kamid ahaa Odayaasha ayaa cod dheer ku sheegay inaysan xamili karin haddii ay yihiin dadka dega Gobolka Sh/Dhexe maamul degdeg lagu dhiso waxa uuna dowlada Federaalka ka dalbaday in dib loo dhigo dhismaha maamulka cusub.

Nabadoon Cali Ibraahim Beesh waxa uu yiri ”Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ma u baahna maamul iga dhis loo dhiso, waayo dowladaha hadda jirta maanta ayuu wakhtigeeda ku ekaa awood uma laha inay dhisto maamul wakhtibadan u baahan waxaan halkaani ka cadeyneynaa inaan loo baahneyn maamul cusub inta laga gudbaayo doorashada”

C/qani Xaaji Muxumad oo ka mid ahaa waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay in Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe aysan u baahneyn maamul gacan ku rimis ah, sidaa darteed ay dowlada Somalia ugu baaqayaan in dib looga laabto go’aanka maamulka lagu dhisaayo.

Go’aanka Waxgaradka iyo Odayaasha ayaa imaanaya iyadoo dowlada Somalia ay juhdi farabadan ku bixineyso dhisida maamulka cusub ee mideyn doona Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com