DF oo war cad kasoo saartay in hawada Somalia laga maamulo MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa xaqiijisay in si rasmi ah ay ula wareegtay maamulka Hawadeeda, kadib markii Somalia loo aqoonsaday dal maamulan kara hawadiisa.

Dowladu waxa ay sheegtay in marnaba aan la aqbali doonin in hawadda Somalia ay si khaldan usoo gasho diyaarad aan fasax ka heysan laanta hay’adda Duulista Hawadda

Yuusuf Cabdi Cabdulle ‘’Yuusuf Jaalle’’, oo ah Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Somalia ayaa sheegay in DFS ay xaqiiqsatay in Hawadeeda ay maamusho.

Waxa uu Yuusuf Jaalle, sheegay in howsha la soo wareegida Maamulka Hawada uu soo bilowday mar hore ilaa bishii December sanadkii 2017 oo Madaxweyne Farmaajo uu daah furay qalabka lagu maamulayo hawada.

Yuusuf Jaalle ayaa sheegay in labada Xafiis ee Muqdisho iyo Nairobi ay wixii mudadaas ka dambeeyay ay iska garab shaqeynayeen, isla markaana ay socotay qeyb shaqaalaha lagu tababarayay.

Waxaa uu sheegay in xafiiska Nairobi shaqada ka soo dhamaatay, lana soo xiray 18-kii bishan June, isagoo xusay in Muqdisho hadda ka socdaan howsha, isla markaana shaqaalihii Nairobi joogay ee ay maamuleysay ICAO ay u soo guureen Muqdisho.

Dhinaca kale, Yuusuf Jaalle ayaa meesha ka saaray inay jiraan jihooyin kale oo Somalia xiligaan la maamula Hawadeeda, balse ay Somalia dib u hanatay maamulkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com