DFS oo warqad dharbaaxo ku ah shirka KISMAAYO u dirtay Madaxda maamulada (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)- DFS ayaa qoraal kooban u dirtay Hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada qeybta ka ah dowlada ee ku shirsan magaalada Kismaayo.

Dowlada ayaa qoraalka ku codsatay in maamulada ay keenaan xisaab-celin ku aaddan Isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyada.

Qoraalka warqadan oo si gaara uga soo baxday Xafiiska Wasiirka maaliyadda oo nuqul kamid ah ay heshay warbaahinta ayaa waxaa lagu sheegay in la soo gaaray xisaab celin dhamaystiran oo daboolaysa isticmaalka lacagihii DFS gaarsiisay muddadii u dhaxaysay 1 Janaayo ilaa 30 Juunyo loo diri lahaa wasaaradda maaliyadda.

Qoraalka waxaa sidoo kale maamulada lagu  weydiistay in ay keenaan xisaab celinta lacagihii 2017 ka soo gaaray dowladda.

Sidoo kale, Warqadda ka soo baxday xafiiska wasiirka waxaa lagu sheegay in xisaab celinta ay shuruud u tahay “barnaamijka deyn-cafiska ee dawladdu ay heshiiska kula gashay hay’adda IMF”.

Qoraalka waxaa kale oo lagu xusay barnaamij shuruudiisa ay ka mid tahay in marka hore la helo xisaab celin “inta aan la soo gudbin lacagaha qaybahooda dambe”.

Sidoo kale, Warqad kale oo ka soo baxday isla xafiiska Wasiirka Maaliyadda ayaa bishii May maamullada looga codsaday in “rubuc sannadeed kasta isticmaalka kharashaadka lagu wareejiyey”.

Talaabadan ay qaaday dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Maaliyada ayaa dhirbaaxo ku noqonaysa madaxda maamul goboleedyada ee maalmahan ku shirsanaa magaalada Kismaayo, kuwaasoo qodobbada ay ku dhaliilayeen dawladda federaalka ay ugu weynayd qaybsiga lacagaha deynta iyo deeqda ah ee dawladdu hesho.

Docda kale, waxaa adkan karta sida ay ku suuroobeyso xisaabcelinta DFS ay dalbatay in la keeno, xili saamayn ay yeelan doonto haddii aan la keenin, ama habkii la rabay aan loo marin.