Qarax gaari oo ruxay magaalada Qardho & Khasaaro ka dhashay

Garoowe (Caasimada Online)-Jug culus ayaa waxaa mar qura laga wada maqlay magaalada Qardho ee maamulka Puntland kaa oo la sheegay inuu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Jugta Qaraxa ayaa inta badan waxaa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaaladaasi, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Qaraxa ayaa si gaara uga dhex dhacay geerish ku yaalla magaalada Qardho, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad Shan ruux oo kamid aheyd shaqaalaha Garaashka.

Dadka dhaawacmay oo ka mid ahaa shaqaalaha garaashka ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka wey ee magalada Qardho si halkaasi loogu dabiibo.

Gaariga ayaa lasoo warinayaa in lagu diyaariyay Garaashka, hase yeeshee uu qarxay ka hor inta aan laga gaarin ujeedkii laga lahaa.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Qardho oo goobta gaaray ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaanada la xiriira qaraxa.

Dhinaca kale, Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xili bilihii ugu danbeyay ay magaalada Qardho saldhig u noqoneysay madaxda DFS ee socdaalka ku gaara deegaanada maamulka iyo madaxda Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com