DF Somalia: “Qaramada Midoobay ayaa ka caga-jiideysa in maamulka hawada Soomaaliya nalagu soo wareejiyo”

Muqdisho (Caasimada Onlin) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay hey’adda u qaabilsan maamulka hawada Soomaaliya aysan daacad ka ahayn in soo wareejiyo maamulka hawada.

Wasiirka gaadidka iyo duulista hawada Siciid Qorsheel oo shir jaraa’id ku qabtay Muqidsho kaddib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay Nairobi ayaa caddeeyay in hey’adda ECHO la rabay bishii horre ee Janaayo in ay soo wareejiso maamulka hawada Soomaaliya, balse arrintaas ma dhicin ayuu yiri.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in wasaaradiisa lagu soo wareejin doono maamulka hawada Soomaaliya, maadama xilligan dalka uu lee yahay dowlad rasmi ah.

Mar uu ka hadlaayay wasiirka shaqaalaha ka shaqeya xarunta ECHO ee Nairobi iyo tirada Soomaalida, wuxuu tilmaamay in shaqaalaha Soomaalida la siiyo mushaar aad yer, isla markaana aaney badneen, oo “inta badan dad caddaan ah ayaa ka shaqeya” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, wasiirka wuxuu carabka ku adkeeyay in wasaaradiisa ay dhistay xarunta maamulka hawada Soomaaliya isla markaana la diyaariyay shaqaalo fara badan oo dhammaan ah Soomaali ah.

Maamulka hawada Soomaaliya ayaa la rabay in loo dhiibo guddiyo ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa ku andacooneysa mar haddii ay ka go’day Soomaaliya in hawada Somaliland aan laga maamli karin magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com